Kenya oo afar qof oo Turkish ah u gacan gelisay Ankara.

0
38

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay dib u celinta afar qof oo qaxooti Turkish ah oo laga masaafuriyey Kenya, kuwaasoo dib loogu celiyay magaalada Ankara.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in la afduubay oo si qasab ah loo celiyay dadkan, ayada oo la jebinayo sharciga caalamiga ah.

Afarta qof ayaa kala ah Mustafa Genc, Huseyin Yesilsu, Ozturk Uzun iyo Alparslan Tasci .

UNHCR, oo ah hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa bayaan ay siisay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegtay “inay aad uga walaacsan tahay dib u celinta afarta qaxooti ee Kenya laga waday.

Ilaa hadda lama oga waxyabaha ay ka shaqeynayeen afartan ruux iyo sababta ilaa hadda dib loogu celiyay dalkoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here