Dowladda Canada oo dhimeysa tirada dadka soo galaya dalkaasi.

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay si weyn u dhimayso tirada muhaajiriinta ay u oggol yihiin dalkasi, si ay u “joojiso koritaanka dadka,” taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku saabsan siyaasadda xukuumadda Justin Trudeau.

Qayb ka mid ah isbeddellada, Canada waxay dhimaysaa tirada degganaanshaha joogtada ah ka helaya dalkaas kuwaas sanadka 2025 ee socda qorshu ahaa inay deggaansho ka helaan dalkaas dad gaaraya ilaa 500,000 basle tirada ayaa hadda noqotay ilaa 395,000 taas oo ah hoos u dhac ilaa 21% ah.

Ra’iisul wasaare Trudeau ayaa sheegay in xukuumaddiisu “aanay si sax ah u helin dheellitirka” markii ay kor u qaadday dadka dalkaasi tagaya si loo xalliyo baahida shaqaalaha.

Taageerada bulshada ee muhaajiriinta Kanada ayaa hoos u dhacday, iyadoo ra’yi ururinta ay muujinayso walaac sii kordhaya oo ku saabsan tirada sii kordheysa iyo saamaynta ay ku yeelanayso guryaha iyo adeegyada bulsho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here