Waa kuma saxiixa ugu horeeya Tababare Xavi u dhaqaajin karo Man United?

0
62

Baladweyne (Radio Beerlula)- Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Sir Jim Ratcliffe iyo saaxiibadiis go,aansadeen ceyrinta Erik Ten Hag kadib natiijooyinkio ugu dambeeyay kooxda

Bareejo 1-1 ah oo ay la gashay kooxda Turkiga ee Fenerbahce ayaa ka dhigtay kooxda Ten Hag inay guul la’aan ahaato tartanka Yurub xilli ciyaareedkan ka dib seddex kulan oo ay ciyaareen.

Sida ay sheegayaan warar hora u dhaca ah, Manchester United ayaa durba wadahadalo la qaadatay tababarihii hore ee Barcelona Xavi si uu u qabto shaqada kooxda ka dhisan Old Trafford, iyadoo wararka ka imaanaya Spain ay sheegayaan in madaxa kooxda Omar Berrada Iyo wafdi u hogaaminayo ay la kulmeen 44 jirkaan.

Haddaba, warbixin kale oo ka soo baxay Spain ayaa sheegtay in Xavi uu hal codsi muhiim ah u gudbiyay maamulka Old Trafford, kaasi oo ah saxiixa xiddiga Barcelona ee Raphinha.

Manchester United waxay heysataa Marcus Rashford, Alejandro Garnacho iyo Antony, laakiin kuma filna Xavi wuxuuna rabaa inuu keeno xiddiga reer Brazil ee Raphinha.

Laacibkii hore ee Leeds United ayaa 10 kulan oo La Liga ah dhaliyay shan gool isagoo 7 kale caawiyay, waxaana uu dhaliyay seddexley kulankii ugu dambeeyay ee Champions League iyadoo kooxdiisu ay 4-1 ku xasuuqday Bayern Munich.

Isku dar dhalin iyo caawin 17 gool ayuu ku lug yeeshay gool xilli ciyaareedkan waana wax soo jiidan kara maamulka Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here