Carlo Ancelotti Oo Shaaciyay Sababtii Ka Dambeysay Guuldarradii Barcelona Ay Kala Kulmeen.

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ka dib guuldaradii 4-0 ee Real Madrid ka soo gaartay Barcelona kulankii El Clasico, tababare Carlo Ancelotti ayaa difaacay kooxdiisa, isagoo sheegay in natiijada ciyaarta aysan si sax ah uga tarjumaynin kulanka. Inkastoo uu qiray in Barcelona ay u qalantay guusha, wuxuu ku adkeystay in labada kooxood ay iskumid ka ahaayeen ciyaarta qeybtii hore balse khalad ka dhashay isbeddel uu sameeyay uu ciyaarta saameyn ku yeeshay.

Ancelotti ayaa ku booriyay kooxdiisa inay wax ka bartaan guul darada, isagoo carabka ku adkeeyay iney is dhiirrigeliyaan iyagoo aan meesha ka saarin qaab ciyaareedkii xooganaa ee ay soo bandhigeen qeybtii hore.

Waxa uu xasuusiyay taageerayaasha in ka dib guuldaradii tan kasii horreysay ee 4-0 ee Camp Nou, Madrid ay wali sii waday ku guuleysiga La Liga iyo  Champions League, isagoo ilaalinaya kalsoonida uu ku qabo adkeysiga kooxda.

Inkastoo Madrid lasoo wareegtay Mbappe xagaagii, Los Blancos ayaa ku dhibtoonaysa iney isbeddel weyn muujiso. Mbappe, kulankiisii ​​ugu horeysay ee El Clasico, ayaa si isdaba joog ah u galay Offside, taasoo xadidey saameyntiisa. Vinicius Jr ayaa sidoo kale lumiyay fursad muhiim ah qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo sii kiciyay niyad jabka Madrid.

Guuldarada soo gaartay Real Madrid ayaa ka dhigeysa in lix dhibcood Barcelona ka danbeyso horyaalka La Liga, taasoo sii xoojisay loolanka ay ugu jirto inay difaacato horyaalka.

Ancelotti ayaa u xaqiijiyay taageerayaasha in kooxdu ay sii wadi doonto dagaalka, iyagoo diirada saaraya sidii ay u wanaajin lahaayeen isla markaana ay u higsan lahaayeen inay soo yareeyaan farqiga dhibcaha ee u dhexeeya ayaga iyo Barcelona kulamada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here