Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xariga ka jaray Xarunta daryeelka dhaawacyada iyo xaaladaha deg-dega ah oo lagu soo kordhiyey Isbitaalka Madiina.
Xaruntan oo lagu dhisay dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed laga aruuriyay ayaa ka kooban qeybta bukaanka lagu daryeelo, qeybta dhalmada iyo qeybta xaaladaha deg-degga ah ee lagu daaweeyo dhaawacyada culus waxayna qeyb wayn ka noqon doonta gurmadka xaaladaha deg degga ah.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.