Booliiska Zimbabwe oo laga mamnuucday isticmaalka taleefannada gacanta

0
84

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Booliiska waxaa loo ogol yahay kaliya inay adeegsadaan ku hadalka qalabka booliska marka ay shaqada ku jiraan
Dowladda Zimbabwe ayaa si degdeg ah uga mamnuucday askarta booliiska in ay isticmaalaan taleefannada gacanta marka ay shaqeynayaan.

Qoraalka mamnuucida ayaa, amar ku siinaya ciidamda booliiska in ay ka tagaan agabkooda isgaarsiinta ee gaarka ah inta ay shaqada ku jiraan.

Dhammaan ciidamda ayaa looga baahan yahay inay taleefankooda gacanta u dhiibaan kormeerayaashooda marka ay tagaan saldhigyadooda ayna isticmaalaan oo keliya xilliga nasashada.

Ma jirto sabab loo cuskaday qoraalka mamnuucista ah balse waxaa la rumeysan yahay in tani ay qayb ka noqon karto dadaallada lagu xakameynayo musuqmaasuqa booliiska.

Waxay kusoo beegmeysaa dhowr maalmood kaddib markii magaalada caasimadda ah ee Harare lagu xiray labo askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada waddooyinka, kadib markii muuqaal laga duubay baraha bulshada lagu soo bandhigay iyagoo lacago laaluush ah ka qaadanaya gaadiidka dadweynaha.

Afhayeen u hadlay booliiska Paul Nyathi ayaa ku tilmaamay labada sarkaal ee la xiray inay ahaayeen ” askar xun oo aan u qalmin inay u adeegaan bilays

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here