Baledweyne ( Radio Beerlula )-Musharixiinta madaxtinimada Mareykanka ee Donald Trump iyo Kamala Harris ayaa aad iskugu dhow tirada codadka ay heystan kadib doorashadii shalay ka dhacday Mareykanka.
Tirada codka ayaa ka socota guud ahaan dalka mareykanka iyadoo codadka ay tirinayaan sheybarada loo diyaariyay.
Donald Trump ayaa hadda heysta 52% tirada codadka la tiriyay halka Kamala Harris ay heysato 46%.
In ka badan 12 gobol ayaa Ilaa hadda la tirin codadkooda waxana laga yaaba in hogaanka codadka uu isbadalo saacadaha soo socda.