Baladweyne (Radio Beerlula)- Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaadday tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay Dagaalka Gaza iyo xadgudubyada ka dhanka ah sharciyada caalamiga ah ee halkaas ka dhacay.
Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimce ah sheegay in ku dhawaad 70% dadka ku dhintay dagaalka Gaza ay yihiin haween iyo caruur.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in arintan ay xadgudub ku tahay mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga bani’aadannimada caalamiga ah.
Golaha xaquuqda aadanaha qaramada midoobay ayaa sheegay in todobadii bilood ee la soo dhaafay dagaalka Gaza ay ku dhinteen 8,119 ( sideed kun, boqol, sagaal iyo toban qof.)
Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa horey u sheegtay in colaadda ka jirta Gaza ay ku dhinteen 43 kun oo ruux oo u badan caruur, haween, saxafiyiin iyo hogaamiyaal ka tirsan ururka Xamaas.