Kanada oo filaysa qulqulka muhaajiriin ku soo jaba dalkeeda kadib guushii Trump

0
33

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xili Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump uu ku adkeysanayo in uu diyaar u yahay in malaayiin muhaajiriin uu ka tarxiili doono Maraykanka ayaa dalka dariska la ah ee Kanada, waxa uu booliskiisu sheegayaa in la arki doono qulqulka dadka magangalyo doonka ah ee imaanaya wadankooda.

Taliyaha booliska Kanada Charles Poirier ayaa weriyayaasha u sheegay in bilo kahor doorashada ayba u diyaar garoobeen imaanshiyaha dadka ka baqdinta qaba in laga musaafuriyo Maraykanka.

“Bilo kahor ayaan ogeyn in aan isu diyaarino qorshe labo dhinac le ah, maxaa yeelay haddii uu Trump xafiiska yimaado, ooh adda bilo uun kadib uu imaan doono, waxay keeni doontaa muhaajiriin sharci darro ah oo ku soo jaba Quebec iyo Kanada,” ayuu u sheegay wakaaladda warrarka ee Reuters.

Trump markii uu xafiiska yimid 2017-kii kumannaan magangalyo doon ah ayaa u talaabay dalka Kanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here