Raysal wasaaraha Haiti oo lix bilood kaddib xukunka laga tuuray

0
40

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Golaha maamula dalka Haiti ayaa shaqada ka eryay Raysalwasaare Garry Conille lix bilood kaddib markii uu xafiiska yimid.

Amarka xukunka looga tuuray oo ay saxiixeen sideed ka mid ah 9-ka xubnood ayaa lagu magacaabay ganacsade hore u soo noqday sanater Alix Didier Fils-Aime in uu noqdo raysalwasaaraha cusub.

Conille oo la magacaabay bishii June, horena u ahaa sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa loo xilsaaray in uu Haiti ka saaro qalalaasaha amni ee kooxaha burcadda iyo in uu dalka u diyaariyo doorashada madaxweynaha.

Dastuurka Haiti baarlamaanka oo kaliya ayaa eryi kara raysalwasaaraha, tani waxay su’aalo ka keentay sharciga golahan u haystaan in ay shaqada ka eryaan raysalwasaaraha.

Golaha waxaa la dhisay bishii April kaddib markii kooxaha burcadda ay ku qasbeen madaxweynihii hore in uu xukunka ka dego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here