Ugu yaraan 15 samatabixiyaal ah ayaa lagu dilay duqayn ay fulisay Israa’iil

0
50

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xarun gurmadka deg-degga ah oo ku taalla waqooyi-bari Lubnaan Khamiistii ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 ka mid ah shaqaalaha gurmadka, sida ay saraakiishu sheegeen, waa mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee noociisa ah oo ay dhibaato ka soo gaarto samatabbixiyaasha degdegga ah ee Lubnaan intii uu socday ddagaalku.

Duqeynta oo ka dhacday magaalada Douris oo ku dhow magaalada Baalbek ayaa lagu burburiyay dhismo ay lahayd hay’adda difaaca madaniga ah ee dowladda Lubnaan xiriirna lama laha kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto.

Guddoomiyaha gobolka, Bachir Khodr, ayaa sheegay in dhibanayaasha uu ku jiro taliyihii difaaca madaniga ah ee magaalada, Bilaal Raad.

Milateriga Israa’iil ayaan ka hadlin weerarka, oo ay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ku tilmaantay mid waxshinimo ah.

Difaaca madaniga ah ee Lubnaan waxa uu fuliyaa adeegyo degdeg ah oo ay ku jiraan baadi goobka iyo samatabbixinta iyo wax ka qabashada dababka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here