Mid ka mid ah mucaaradka Uganda oo lagu xiray Kenya.

0
91

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Kizza Besigye oo ka tirsan mucaaradka Uganda ayaa lagu soo waramaya in lagu xiray dalka kenya kadibna loo sii gudbiyay xabsi ciidan oo ku yaalla Uganda.

Qoraal ay soo dhigtay barta X, Winnie Byanyima oo ah xaaska siyaasigan mucaaradka ayay ku sheegtay in ninkeeda lagu qabtay caasimadda Kenya ee Nairobi Sabtidii lasoo dhaafay, xilli ay socotay munaasabad lagu soo bandhigayay bug oo uu ka qayb galayay.

Waxay sheegtay in hadda lagu hayo xabsi ciidan oo ku yaalla magaalada Kampala, iyadoo dowladda ka dalbatay in ay sii dayso ninkeeda.

Besigye, oo 68 jir ah, ayaa hogaaminaya xisbiga Forum for Democratic Change (FDC), isagoo kula tartamey afar doorasho oo madaxtinimo Yoweri Museveni oo talada hayay tan iyo 1986-kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here