Gobol Mareykanka ku yaalla oo yaboohay dhul lagu hayn doono dadka la musaafurinayo.

0
62

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka Texas ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay madaxweynaha la doortay ee Donald Trump siiyaan 1,400 acre oo dhul ah oo ku teedsan xudduudda Mareykanka iyo Mexico si looga dhiso goobo lagu hayo muhaajiriinta aan sharciga haysan.

Warqad, Xafiiska Guud ee Dhulka Texas uu soo saaray ayaa lagu sheegay in qorshahan loo isticmaali karo masaafurinta ugu weyn ee dambiilayaasha rabshadaha wata iyo dadka sida sharc darrada ah ku jooga dalkaas”.

Dhulkaan ayaa u baahan in loo diyaariyo ku haynta dadka la doonayo in laga saaro Mareykanka sida uu horeyba u shaaciyay madaxweyne Trump

Trump ayaa marar badan ballan qaaday inuu masaafurin doono malaayiin muhaajiriin ah oo aan sharciyeysneyn uuna abaabuli doono Ilaalada Qaranka si ay gacan uga geystaan fulinta arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here