Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Netherlands ayaa diyaarineysaa xeerar lagu xakameynayo dugsiyada qur’aanka iyo luuqadaha lagu barto ee la dhigto maalmaha Sabtiga iyo Axadda.
Dowladda ayaa qorsheyneysa laga bilaabo sanadka dambe in ay joojiso maadooyinkaas ayagoo sida ay sheegeen “ku dhiirigeliya carruurta naceybka, rabashadaha iyo kala sooca” iyo in sidoo kale in la mamnuuco qaar ka mid ah macallimiinta.
Qaar ka mid ah culimada ayaa u arkay arin ka hor’imaaneysa mabaadii’da xorriyadda diinta taas oo u ogolaaneysa dadka in ay diintooda ku dhaqmaan iyagoon cidna ka baqeynin.
Arintan ayaa walaac badan ku abuurtay muslimiinta ku nool dalka Netherlands.
Sanadkii 2018-kii dowladda Turkiga ayaa dalka Netherland ka furtay dugsiyo la dhigto Sabtiga iyo Axadda si carruurta muhaajiriinta ee Yurub aysan u iloowin afkooda iyo diintooda.
Turkiga ayaa siiya 15kun oo Euro oo taageero dhaqaale ah dugsiyo ku yaal Netherlands, Jarmalka, Faransiiska iyo Belgium.