Mourinho Oo Si Lama Filaan Ah Daaha Kaga Qaaday Dalabyo Waaweyn Oo Uu Diiday!

0
22

Baladweyne (Radio Beerlula)-Jose Mourinho oo shaaca ka qaaday laba shaqo oo waaweyn uu diiday kuwaas oo si buuxda u beddeli lahaa kubadda cagta.

Jose Mourinho ayaa mar sheegay labo shaqo oo uu iska diiday kuwaas oo laga yaabo inay gilgileen kubadda cagta caalamka.

Mourinho ayaa haatan maamula kooxda Fenerbahce, isagoo sanadkan horaantiisii loo magacaabay kooxda weyn ee dalka Turkiga.

Tababaraha 61-jirka ah ayaa u dhaqaaqay Turkiga ka dib markii uu horay u soo maamulay kooxo waaweyn sida Chelsea, Manchester United, Real Madrid iyo Inter Milan.

Mourinho wali ma maamulin xul qaran intii uu ku guda jiray waayihiisa maamul ee cajiibka ah.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu helay fursado badan oo loogu magacaabayo tababaraha xul qaran.

Tababaraha reer Portugal ayaa u sheegay Rio Ferdinand inuu iska diiday dalabyo uga yimid xulalka Portugal iyo England.

 

 

Isagoo ka hadlayay podcast-ka Ferdinand, Mourinho wuxuu yiri: “Waxaan diiday fursado shaqo oo waaweyn. Midda ugu horreysay aad bay u adkeyd in la diido maxaa yeelay waxay ahayd Portugal. Waxaan noqon kari lahaa tababarahooda xulka qaranka.

“Sidoo kale tiina,(england)” ayuu ku daray, iyadoo Ferdinand uu ku jawaabay: “Waa wax aan macquul ahayn!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here