UK oo sheegtay inay xiri doonto ra’iisal wasaaraha israaiil.

0
56

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu mutaysan doonaa xarig hadii uu tago dalka Ingiriiska, kadib markii waaran soo qabasho ay u jartay maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC, sida uu sheegay xafiiska Lambar 10 ee laga xukumo Ingiriiska.

Afhayeen u hadlay xafiiska Lambar 10 ayaa diiday in wax hadal ah ka dhiibto kiis goobi ah balse waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay in ay fuliso “waajibkeeda sharciga ah”.

Maalintii Khamiista Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu, iyo wasiirkii hore ee difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.

Waddamada xubnaha ka ah maxkamadda, oo ay ku jirto UK, ayaa saxiixay heshiis ku waajibinaya inay ku dhaqaaqaan amarka qabashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here