Baledweyne ( Radio Beerlula )- Inta badan dhul beereedka deegannada Qooqane, bacaad, garaash iyo Leebow ee waqooyiga magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku fatahay dadaad ka soo rogmaday webiga shabeelle kadib markii roobabkii deyrta ay ka da’een gobolka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida.
Dadaadkan ayaa dhax fadhiya dhul beereedka kuwaasoo qaarkood ay baahi u qabeen Beeraleyda halka kuwa qaarna ay ka sameeyeen dalagyadii ku yaallay beeraha.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey