Baledweyne ( Radio Beerlula )-Taageerayaasha Manchester United oo dalbanaya in Ruben Amorim uu keydka geliyo saddex ciyaartoy oo Man United ah kadib barbaraha Ipswich iyadoo walaac laga muujiyey qaab ciyaareedkooda.
Manchester United ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Ipswich Town kulankii ugu horreeyay ee uu Ruben Amorim hogaamiyo kooxda.
Amorim ayaa ciyaartan ku maamulayay Portman Road, isagoo noqday tababaraha United 11-kii Nofeembar.
Kooxdiisu waxay ku bilaabatay si riyo ah markii Marcus Rashford uu 80 ilbiriqsi gudahood hogaanka u dhiibay kooxda martida kadib orod xoog leh iyo karoos uu sameeyay Amad Diallo.
Si kastaba, taageerayaasha United ayaa aaminsan in Amorim uu durba u baahan yahay inuu go’aan adag ka gaaro saddex ciyaartoy ka hor kulanka xiga ee ay la ciyaarayaan Bodo/Glimt Khamiista.
Amorim wuxuu badal ku saaray Jonny Evans qeybtii labaad ee ciyaarta, kaasoo ku jiray safka maadaama Lisandro Martinez uu maqnaa, sidoo kale Alejandro Garnacho ayaa lagu bedelay Mason Mount.
Taageerayaal qaar ayaa qaba in labadaas ciyaartoy ee la bedelay, iyo midkood Casemiro ama Christian Eriksen oo khadka dhexe ah, gabi ahaanba laga saaro kooxda kulanka Khamiista.