Macalin taariikheed ku soo koray saboolnimo oo hadda noqday madaxweyne.

0
52

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Yamandú Orsi oo hore u ahaa macalin taariikhdeed, ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Uruguay.

Orsi ayaa ku garaacay Álvaro Delgado, oo ah musharraxa isbahaysiga muxaafidka ah ee talada haya, in ka badan boqolkiiba saddex dhibcood wareegii labaad ee doorashadii dhacday Axadii.

Delgado ayaa qirtay in laga adkaaday, wuxuuna u hambalyeeyay Orsi iyo isbahaysigiisa Broad Front, oo hadda ku soo laaban doona xukunka shan sano oo cusubna hayn doona.

Isbahaysiga Broad Front ayaa xukumayay Uruguay 15 sano laga soo bilaabo 2005 tti ilaa 2020 kii, hor inta uusan ka adkaan madaxweynaha xilka ka degaya haatan, Luis Lacalle Pou – kaas oo sida uu dhigayo dastuurka Uruguay laga mamnuucay inuu mar labaad isku soo sharaxo doorashadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here