Baledweyne (Radio Beerlula )-Michael Sullivan ayaa in ka badan 27 sano ku qaatay xabsiga Massachusetts dil uu diidaana in uu geystay muddo sanado ah. Waxaa la sii daayay sanadkii 2013kii kadib markii tijaabo cusub iyo tignoolajiyada cusub ee DNA ay caddeeyeen inuusan waxba galabsan.
Horaantii bishaan, Sullivan waxaa lagu abaalmariyay $13m (£10m) oo ka timid gobolka, in kasta oo sharciyada abaal-marinta dambiyada khaladka ah ee gobolka Massachusetts ay ay tahay $1m.
Sullivan, oo waayay hooyadiis iyo afar walaalo ah intii uu xabsiga ku jiray, ayaa sheegay in lacagta “aysan weligeed soo celin doonin waqtigii ka lumay”. Waxa loo diiday un uu ka qeyb galo aaskooda intii uu xabsiga ku jiray.
Waxa uu sheegay in sanadihii uu xirnaa ay ahaayeen waqtigii uu nolshiisa wax qabsan lahaan, isagoo sheegay in uusan weligiis guursan caruurna uusan lahayn.