Baledweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka ayaa lagu qabtay munaasabad aay ku qalin jibinayeen 34 arday oo Baratay cilmiga taqasuuska mareeynta biyaha islamarkana ka qalin jibisay Jaamacadda Umadda Soomaliyeed.
Munaasabadda aay ardayda ku qalin jibinayeen ayaa waxaa ka qeeybagalay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee dalka cabdisalaan Cabdi Cali,wasiirka wasaaradda waxbarashadda XFS Faarax Shiikh Cabduqaadir,wasiirka wasaaradda tamarta iyo Kheeryradka Biyaha XFS Cabdullahi bidhaan warsame,Gudoomiyaha Jaamacadda umadda Soomaliyeed Xasan Cismaan Gacal,arday iyo marti sharaf kale.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdinajiib Aweys Isxaaq.