Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhacay bariga Uganda, sida ay booliisku sheegeen, waxana la la’yahay ugu yaraan 113 qof.
Dhul go’an ayaa ka dhashay roobab xooggan oo saameeyay tuulooyin badan oo ka tirsan degmada Bulambuli, oo qiyaastii 280 km (178 mayl) u jirta caasimadda Kampala.
Hawlgal samatabbixin ah ayaa socda kadib markii ugu yaraan 40 guri ay biyuhu la tageen,sida uu barta X ku sheegay Ururka Laanqayrta Cas ee Uganda.
Booliska Uganda ayaa sheegay in sidoo kale 15 meyd ah iyo 15 kale oo dhaawac ah oo la soo badbaadiyay la dhigay cisbitaalka.
Ugu yaraan lix ka mid ah meydadka la helay ayaa ah carruur, sida ay BBC-da u sheegtay hay’adda Laanqeyrta Cas ee Uganda.
Roobab mahiigaan ah ayaa maalmihii u dambeeyay ka da’ayay dalka Uganda.