Baladweyne (Radio Beerlula)-Saddex muwaadin oo Mareykan ah oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Shiinaha ayaa habeen hore soo gaaray Mareykanka, taasi oo qeyb ka ahayd heshiis maxaabiis is isku beddalasho ah oo dhex-maray Washington iyo Beijing.
Sidoo kale mareykanka ayaa sii daayay afar ruux oo u dhashay dalka Shiinaha kuwaasoo dib ugu laabtay dalkooda.
Isdhaafsiga maxaabiista oo Aqalka Cad uu ku dhawaaqay maalintii Arbacad, ayaa calaamad u ah heshiis diblomaasiyadeed oo naadir ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa xili 20-ka bisha Janaayo la filayo inuu xilka la wareego madaxweynaha la doortay ee Trump.