Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Canada ayaa soo saartay go’aan ay si ku meel gaar ah ugu hakinayso qabashada codsiyada qaxootiga ee Group five iyo barnaamjka kale ee loo yaqaan Community oo ay dadka jooga Canada ugu dacwoon jireen eheladooda Africa ama qaaraadaha kale jooga.
Qoraalka lagu sheegay hakinta ayaa lagu baahiyay bogga dowladda Canada ay ku leedahay waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada.
Dowladda ayaa sheegtay in hakintaan ay socon doonto illaa laga gaarayo 31 Diseembar 2025, waana muddo sanad ah iyadoona ku tilmaamtay in ay ka caawin doonto culays ka haystay kobac ku yimid warqadaha arjiyada ama codsiyada qaxootiga iyo kooxaha shanta qof ah ee dadka u dacwoonaya.
Sidoo kale dowladda Canada waxa ay tilmaamtay in waaxda socdaalka muddadaas sanadka ah ay helayaan fursad ay uga shaqeeyaan codsiyadi hore.