Tobaneeyo qof oo ku geeriyooday garoon kubbadda cagta lagu dheelo dalka Guinea

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ugu yaraan 56 ayaa ku dhintay kaddib markii ay isbuurteen dadweyne ciyaar ka daawanayay garoon kubbadda cagta lagu dheelo oo ku yaal magaalada ugu weyn dalka Guinea ee Nzérékoré, sida ay dowladdu sheegtay.

Raysalwasaare Mamadou Oury Bah ayaa sheegay in dadka oo isbuurtay ay keentay in tiro badan ay wax soo gaaraan, wuxuuna ku baaqay deganaan.

Dhakhtar aan dooneyn in magaciisa la sheego ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in tiro badan oo meydad ah ay indhahiisu qabteen.

Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkayay inta ay la egtahay dhibaatada ka taagneyd dibadda garoonka.

Sidoo kale waxaa lagu arkayay dad fuulaya darbiga garoonka iyo meydad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here