Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay kulan loogu hadalaayay hanaanka qiimeenta amniga ee magaalada islamarkaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Amniga gudaha Dowalad gobaleedka Hirshabeelle.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay duqa Degmada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin Taliyaha saldhiga Booliska Baladweyne Gaanshaale Cabdulaahi Maxamuud Siyaad Gudoomiyayaasha Afarta xaafadood ee magaalada iyo Qaybaha kale duwan ee Bulshada.
Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.