Xukuumadda Faransiiska oo qarka u saaran in ay dhacdo

0
41

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Faransiiska ayaa aad loo saadaalinayaa in dhamaadka todobaadkan ay burburi doonto, kadib markii xisbiyada midigta fog iyo garabka bidix ay Isniintii shalay soo gudbiyeen mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Michel Barnier.

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee RN Marine Le Pen ayaa wariyaasha ugu sheegtay gudaha baarlamaanka, in dadka Faransiiska ay qaatiyaan ka taaganyihiin, isla markaana uu Ra’iisul wasaare Barnier uu xaaladda uga sii daray, loona baahanyahay in bannaanka loo tuuro.

Waxay sheegtay in ay diyaarineyso mowshan ka dhan ah xukuumadda.

Xisbiga bidixda fog ayaa isna sheegay in uusan codka kalsoonida siin doonin xukumaadda Barnier iyo dowaldda Macron.

Isu geynta xildhibaannada axzaabka midigta iyo bidixda ee baaralamaanka ayaa ku filnaan doonto in ay ridaan xukuumadda Faransiiska.

Codka kalsoonida ayaa lagu wadaa in la qaado Arbacada foodda nagu soo heysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here