Magaalada Los Angeles oo gabbaad siineysa soo-galootiga

0
38

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa ansixiyay sharci cusub oo magaalada ka dhigaya “goob magangelyo u ah dadka soo galootiga sharci darrada ah.”

Talaabadan ayaa loo arkaa inay tahay jawaab ka dhan ah ballanqaadka Madaxweynaha la doortay Donald Trump ee ku saabsan masaafurinta dad badan oo aan sharciga haysan marka uu xilka la wareego bisha Janaayo.

Sharciyadan ma joojin doonaan saraakiisha federaalka inay masaafuriyaan dadka aan sharciyada haysan, laakiin waxay xoojinayaan ballanqaadka magaalada ee ah in la ilaaliyo bulshada qaxootiga ah.

Dadka aan heysan sharciga ee ku nool dalka Mareykanka ayaa walaac badan ka qaba inuu masaafuriyo Donald Trump marka xilka uu la wareego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here