Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweyne ku xigeenka Ghana Mahamudu Bawumia ayaa aqbalay in looga adkaaday doorashadii Sabtidii dhacday, waxaana uu u hambalyeeyay musharaxa mucaaradka , madaxweynihii hore John Mahama oo ku guuleystay doorashada .
“Dadku waxay u codeeyeen isbeddel,” ayuu yiri Bawumia.
Doorashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay dalka ka jirto xaalad dhaqaale xumo tii ugu darneyd ee soo marta, taas oo keentay in qiimaha alaabaha aasaasiga ah ay kor u kacaan, iyadoo dhalinyaradu ay la daalaa dhacayaan sidii ay shaqo u heli lahaayeen, dalkuna uu awoodi waayay inuu iska bixiyo deynta lagu leeyahay.
Taageerayaasha Mahama ayaa isugu soo baxay wadooyinka dalka si ay u dabaal dagaan, farxad, iyaga oo calammo lulaya, sidoo kale waddooyinka waxaa is qabsaday hoonka baabuurta iyo mootooyinka.