Baledweyne ( Radio Beerlula )-Laba kooxood ee London ku xafiiltama Chelsea iyo Tottenham ayaa caawa ku kulmaya kulan weyn oo Premier League ah ka tirsan oo ka dhacay garoonka Tottenham Hotspur Stadium.
Spurs ayaa si quus ah ugu bilowday Chelsea ciyaarta kadib markii kooxda tababare Ange Postecoglou si lama filaan ah hogaanka ugu qabteen 2-0.
Spurs ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta bilowgii kadib goolal ay dhaliyeen Solanke iyo Kulusevski ka hor inta uusan Sancho gool u soo celin Chelsea.
45 daqiiqo ee hore ciyaarta waxaa lagu kala nastay 2 – 1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Tottenham.
Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Chelsea alla maxay kubad soo bandhigtay oo ay maamushay kulanka ilaa soo laabasho weyn ay sameeyeen.
Fernandez ayaa dhaliyay goolka barbaraha kadib caawin katimid Palmer, xiddiga reer Argentina ayaa ku lug yeeshay saddex gool afartii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa.
Ciyaarta oo ah 2-2, Palmer ayaa noqday farqiga kulanka isagoo taariikh gaar ah sameeyay kadib markii uu gool u bedelay laba rigoore oo loo dhigay Chelsea.
Dhamaadka ciyaarta Son oo ah kabtanka Tottenham ayaa gool soo celiyay, laakiin waxba kama bedelin natiijada ciyaarta.
Blues ayaa ku badisay ciyaartii weyneyd ee caawa 4-3 soo laabasho ah, waxayna soo yareeyeen farqiga dhibcaha oo ay ka sareeyaan Liverpool. Iyagoo soo fariistay kaalinta labaad ee Premier League.
Waxyaabaha laga bartay ciyaartii caawa u dhaxeysay Chelsea iyo Tottenham ee ka tirsaneyd Premier League waxaa kamid ah
2. Chelsea Cucurella ayay u dhiman gaartay
Ciyaaryahan Marc Cucurella ayaa 17-daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta ku lug yeeshay saddex kulankii Tottenham.
Marka hore, wuxuu u ogolaaday Brennan Johnson inuu ka caawiyo goolka hore Dominic Solanke oo dhaliyay goolkii furitaanka ee kooxdiisa
Lix daqiiqo ka dib ayuu mar kale goolka labaad ee Tottenham ku lug yeeshay, iyadoo Dejan Kulusevski uu shabaqa ku hubsaday kubadaas.
Daqiiqadii 17-aad ayuuna gool ka caawiyay Jadon Sancho oo ciyaarta ka dhigay 2- 1.
La yaab ma laheyn inuu beddelo kabihiisii qaladka badan uu ku sameeyay intii ciyaartu soctay.
2. Muhiimada Sancho Chelsea
Xiddiga garab weerarka kooxda Chelsea oo xagaagii kaga soo biiray Man Utd ayaa ku lug yeeshay 8 gool 12 kulan oo uu usaftay kooxdiisa
Jadon Sancho ayaa hadda muhiimad gaar ah u leh tababaraha Chelsea Enzo Maresca, waxaana uu dhaliyay cawa gool uu ku qiyaamay daafaca iyo goolhayaha Tottenhma.
3. Palmer la’aantiis sidee noqon doontaa Chelsea?
Cole Palmer ayaa hadda dhaliyay dhamaan rigooreyaashii loo dhigay Premier League isagoo aan qasaarinin xitaa hal rigoore.
Wuxuu caawa gaaray oo uu jabiyay haddana rikorkii Yaye Toure oo 11 rigoore si xiriir ah u dhaliyay, halka Palmer uu 12 rigoore si xirii a u dhaliyay.
Wuxuu dhaliyay xitaa rigoorada nooca loo yaqaan Panenka, wiilkaan waa cajiib waana kii Chelsea Premier League ku hogaamin lahaa.