Suuriya oo yeelatay Ra’iisal wasaare cusub.

0
51

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul wasaaraha cusub ee Suuriya Maxamed Al Bashiir ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay, in uu billaabay dhaqaajinta howlaha qaran ee dalka, kaddib marki uu taageero buuxda ka helay dhammaan kooxaha fallaagada ee xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Bashar Al-Asad.

Khudbad kooban oo laga baahiyay telefishanka, ayuu Al Bashiir ku sheegay in uu dowladda ku meel gaarka ah hoggaamin doono ilaa 1-da bisha March ee sannadka foodda nagu soo haya.

Ninkan ayaanan si wanaagsan looga aqoon guud ahaan Suuriya, balse ku soo caan baxay gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya, halkaas oo uu hogaamiyay maamul hoosaadka ay dhiseen kooxaha mucaaridka ee taageerada ka hela dowladda Turkiga.

Magaalada caasimadda ee Dimishiq, bankiyada, goobaha ganacsiga ayaa shalay dib loo furay marki ugu horreysay tan iyo Axaddii marki ay mucaaridka awoodda ka riday rajiimki dalka soo maamulayay 50-ki sano ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here