Baledweyne ( Radio Beerlula )-Juventus ayaa soo afjartay mashaakilkeedii iyada oo Manchester City 2-0 ku garaacday kulan katirsan Champions League.
Dusan Vlahovic iyo Weston McKennie ayaa shabaqa Man City soo taabtay qeybtii labaad ee ciyaartii weyneyd ee caawa.
Labada kooxoodba waxay lahaayeen min siddeed dhibcood, waxayna ku dhibtoonayeen horyaalada maxaliga ah xlli ciyaareedkaan.
Cadaadisku ugu weyn kooxda ma dhisam Turin wuxuu ahaa Andrea Cambiaso, Nico Gonzalez, Arek Milik, Gleison Bremer iyo Juan Cabal ayaa seegay kulankan, iyadoo Weston McKennie iyo Douglas Luiz ay ku soo laabteen kursiga keydka.
City waxaa ka maqnaa Mateo Kovacic, Nathan Aké, Oscar Bobb iyo Rodri, halka John Stones, Manuel Akanji iyo Phil Foden kuwaasoo dhaawac ah. Waxaana taasi ay sii adkeysay xaladooda.
Man City hal mar kaliya ayay badiyeen 10 ciyaar ee ugu dambeeyay, waxaana laga dhaliyay 23 gool.