Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali oo xalay kulan fool ka fool ah ku yeeshay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa xal ka gaaray xiisadii ka dhaxeysay labada.
Shirkan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan.
Shirka ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ay ku heshiiyeen labada dhinac waxana warbaahinta u akhriyay wasiirka warfaafinta Soomaliya Daauud Aweys Jaamac.