Mucaaradka Suuriya oo wacad ku maray inay xirayaan xabsiyadii dadka lagu dhibaateyn jiray.

0
47

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Hogaanka mucaaradka Suuriya ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay xiraan xabsiyada aadka u xun ee uu gacanta ku hayay madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Bashar al-Assad ayna ugaarsan doonaan kuwii ku lug lahaa dilka ama jirdilka maxaabiista.

Hoggaamiyaha mucaaradka Ahmed al-Sharaa, oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Mohammed al-Jolani, ayaa sidoo kale sheegay inuu kala diri doono ciidamada ammaanka ee taliskii hore, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed ay heshay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Muuqaallo ayaa muujinaya kumannaan maxbuus oo laga sii deynayo xabsiga Saydnaya – oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku sheegeen inuu yahay “kawaanka bani’aadamka” – kadib dhicitaankii dowladda Assad ee Axaddii.

Ku dhowaad 60,000 oo qof ayaa lagu jir dilay laguna dilay xabsiyada uu gacanta ku hayay Assad, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Suuriya ee fadhigeedu yahay UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here