Madaxweynihii Koonfurta Kuuriya oo xilka laga xayuubiyay.

0
49

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Baarlamanka dalka kuuriya ayaa xilkii ka xayuubiyay madaxweynihii dalkaasi Yoon Suk Yeol.

Xilkan ayaa waxaa haatan la wareegay ra’iisul wasaaraha dalka, Han Duck-soo.

Khudabadii ugu horeysay ee uu jeediyay madaxweynaha sida kumeelgaarka ah talada dalka u hayn doona ayaa waxa uu ku sheegay, in uu awoodda saaari doono “sidii uu xaalka u dajin lahaa”iyo “in uu jawiga dadka sidii caadiga ah ugu soo celin lahaa”.

Madaxweynahaan xilka sii hayn doona ayaa waxa uu sheegay in uu ka ilaalin doono dowladda “in uu firaaq dhaco” isaga oo sheegay in uu soo dhisi doonoo “haykal amni oo adag” iyo gole wasiiro oo ay diiradoodu tahay “shaqo adag oo halkeeda ku sii haysa aamniadda” ay isku qabaan wadamada Maraykanka, Japan iyo xulufada kale ee ay leeyihiin, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dadweynaha Koonfurta Kuuriya ayaa waxay wadeen dibadbaxyo joogto ah tan ilaa shantii December, iyaga oo dhaxanta u istaagayay subax walba dalabkooda ku aadan in uu booska baneeyo madaxweyne Yoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here