Baledweyne ( Radio Beerlula )-Jasiiradda dalka Faransiiska ee badweynta Hindiya ku taal ee Mayotte ayaa waxaa ku dhufatay duufaantii ugu xumayd ee ku dhufata jasiiradahaas muddo qarni ku dhow.
Ugu yaraan laba qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen duufaanta Chido , taasoo sababtay dabaylo ku socday in ka badan 225km/h (140mph), waxaana laga cabsi qabaa in dad kale ay dhinteen.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Faransiisku uu “u istaagi doono” dadka reer Mayotte, halka saraakiisha Faransiiskuna ay sheegeen in 250 dab-damis ah iyo ciidamada ammaanka loo diri doono jasiiradahaas, iyadoo qaarkood ay mar hore gaareen.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Bruno Retailleau ayaa sheegay in “dhammaan guryihii cooshadaha ka sameysnaa ay gabi ahaanba burbureen” wuxuuna ka baqayaa in ay “dhimasho culus” ka dhacdo halkaas.