Baledweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa muujiyay niyad-jab weyn ka dib guuldaradii Manchester derby oo kooxdiisa ay ku dhacday khaladaad difaac oo waaweyn daqiiqadihii ugu dambeeyay.
Weerarka City kuma fiicnayn kulanka, halka difaacuna uu noqday mid liita, taas oo u suurtagelisay Manchester United inay saddexda dhibcood ka qaadato Etihad Stadium.
Guardiola ayaa yiri:
“Sannadkan marar badan ayay sidaan dhacday. Waxaannu si fudud ku weynay waxyaabo badan, kulankii Feyenoord sidoo kale.Ma fiicnayn qaabka aan u ciyaarnay. Hore waxay ahayd mid aad u sahlan oo dheellitirnaan leh, laakiin hadda waxaan dhibaato u qabnaa sababo kala duwan. Waxaannu ciyaarta gelinnay wax kasta oo aan haynay, waxayna ahayd mid ku dhowaad xiran marka laga reebo hal fursad oo Bruno helay.”
“Wax gaar ah ma ahayn. Waxaan dhiibanay labada gool. … Waa sideey tahay. Maxaan dhihi karaa? Waa xilli ciyaareed adag. … Ma aanan u ciyaarin si wanaagsan sababtoo ah meelo muhiim ah ayaan ku liidannay.”