Shir looga hadlayo xaaladda Suuriya oo lagu qabanayo Jordan.

0
39

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dalka Jordan ayaa martigelin doona dhamaadka usbuucaan shir madaxeedka xasaradda ee Suuriya ,kaas oo ay ka qayb galayaan dublamaasiyiin sarsare oo ka kala socda Saudi Arabia, Iraq, Lebanon, Egypt, UAE, Bahrain, Qatar, iyo Turkey.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gali doona xubno ka socda Mareykanka, midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay.

Arrimaha diirada lagu saari doono shirkan ayaa waxaa ka mid ah isbadalka ka dhacay Suuriya, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Dhanka kale madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka ah ee Israel ay ka waddo gudaha Dalka Suuriya, isagoo faray ciidammada Israa’iil in ay isku dayayaan inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Suuriya,isla markaana ay joojiyaan weerarada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsanaayo goobaha muhiimka ah iyo dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here