Liiska 10-ka qoys ee ugu taajirsan aduunka oo la shaaciyay.

0
42

Baladweyne (Radio Beerlula)- Liiska sannadlaha ah ee qoysaska ugu qanisan adduunka ee ay shaacisay majalada Bloomberg ayaa waxaa kaalinta koowaad ku jira  qoyska Walton, oo ah mulkiilaha dukaamada waawayn ee Maraykanka ee Walmart kuwasoo hantidooda lagu sheegay $432 bilyan.

Kaalinta labaad ayaa waxaa ku jira qoyska Al Nahya ee imaaraadka carabka kuwaasoo hantidooda ay dhan tahay $323 bilyan, halka kaalinta saddexaad ay ku jiran qoyska Al Thani kuwaasoo heysta lacag dhan $ 172 bilyan.

Mid ka mid ah siraha shirkadaha liiskan ku jira, sida uu qoray Bloomberg, waa in ay ilaashadaan midnimada lahaanshaha hantidooda, mararka qaarkoodna ay abuuraan heshiisyo ganacsi oo lagu maamulo isu geynta hantidooda.

Qaar badan oo ka mid ah qoysaska ku jira liiska sanadkan, sida laga soo xigtay Bloomberg, waxay noqdeen kuwo qani ah ah sababtoo ah faa’iidooyinka waaweyn ee laga diiwaan geliyey suuqa saamiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here