Mancshester United oo ka hartay tartanka EFL Cup-ka

0
32

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Tottenham ayaa marti galisay Man United wareega 8 dhamaadka tartanka Carabao cup-ka iyada oo labada kooxood ay isha ku hayeen in ay gaaraan afar dhamaadka tartankaan.

Kooxda Ange Postecoglou oo fadhida kaalinta 10-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League, waxay koobkaan qaadeen sanadkii 2008 wuxuuna ahaa kii ugu dambeeyay oo ay Spurs qaado.

Ruben Amorim kooxdiisa waxaa loo daaray yaabanaha kulankaan, iyadoo hogaanka loo qabtay qeybta hore markii uu gool dhaliyay Solanke daqiiqadii 15 aad.

Goolkaas oo lagu nasiyay Man Utd waxaa kaga darnaa laba gool kale oo loo raaciyay bilowga qeybta labaad, iyadoo Kulusevski iyo Solanke ay shabaqa gaareen.

Laakiin Amorim kooxdiisa waxa ay mar u muuqdeen kuwa soo laabasho sameeyay kadib markii ay soo celiyeen laba gool oo deg deg ah, oo ay kala dhaliyeen Zirkzee iyo Diallo.

Dadaal kasta oo Man Utd u gashay inay heaho goolka barbaraha ah ma suurta galin, waxaana rajadooda ciyaarta soo afjaray Son oo goolka afaraad si qurux badan kaga dhaliyay.

Amorim kooxdiisa isma dhiibin waxayna soo celisay gool kale oo saddexaad oo uu dhaliyay daafaca Evans lagu magcaabo oo ciyaarta bedel kusoo galay.

Guud ahaan kulankii weynaa ee caawa ayaa kusoo dhamaaday 4-3 oo ay Tottenham ugu gudbtay afar dhamaadka tartanka EFL Cup-ka.

Spurs waxay kula biirtay Afar dhamaadka tartankaan kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Newcastle oo habeenkii xalay xaqiijiyay soo bixitaankooda.

Tottenham ayaa sidookale isha ku heysa in ay ku guuleysato markii ugu horeysay EFL Cup tan iyo 2008.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here