Dowladda Malaysia oo 10 sano kadib baareysa shilkii diyaaradda MH370

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dawladda Malaysia ayaa sheegtay in ay mabda ahaan ogolaatay in dib loo bilaabo baaritaanka diyaaraddii rakaab ee la waayay 10 sano kahor.

Wasiirka gaadiidka ee dalka Malaysia Anthony Loke ayaa sheegay in golaha wasaarradu ogolaadeen in lacag dhan $70m (£56m) heshiis lagula galo shirkad maraykan ah oo ka shaqaysa baaritaanadda badaha guntooda.

Duulimaadkii diyaaradda Malaysia Airlines ee MH370 ayaa la waayay bishii Maarso 2014 iyadoo xiligaa ku socotay magaalada Beijing kana duushay caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur, waxaana saarnaa 239 qof.

Horey waxa loogu guuldareystay in la ogaado halka diyaaradda Boeing 777 ay ku dhacday muddo sanado ah, waxayna boqollaal ehellada dad kii saarnaa diyaaraddaasi wali la nool yihiin xanuunkii ay arintaas ka qaadeen.

Ma jiri doonto lacag la siin doono shirkadda illaa laga helo burburka diyaaradda.

2018 kii heshiis isla noocaas ah oo shirkad lala galay ayaanay waxba ka fulin markii lagu guuldareystay in la helo burburka diyaaradda sedex bilood kadib.

Dadaal caalami ah oo ay ku baxday lacag gaaraysa $150m ayaa 2017 kii soo dhammaaday kadib baaris socotay labo sano oo lagu sameeyay bada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here