Jiirka dabaasha iyo xayawaanno kale oo noocoodu cusub yahay oo la helay

0
31

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Jiirkaan oo ah mid xoog badan sidoo kalena leh cago go’an iyo nooc kamid ah kalluunka ayaa kamdi noqday 27 xayawaan oo nuucoodu cusub yahay kuwaas oo ay saynisyahannadu sheegeen in laga helay dalka Peru.

Waxaa laga helay Alto Mayo, oo ka tirsan kaymaha Amazon, halkaas oo ay socdaal ku tageen saynisyahanno ka tirsan Conservation International oo ah hay’adda si bilaash ah ku shaqaysa, sidoo kale socdaalka waxaa qayb ka ahaa kooxo maxalli ah.

” Helitaanka noocyo badan oo cusub oo ka tirsan naasleyda iyo laf dhabarlayda waa wax cajiib ah, gaar ahaan waa wax ku cusub aadanaha,” ayuu yiri Trond Larsen, oo ah maamulaha sare ee Conservation International.

Socdaalka saynisyahannada ayaa sidoo kale lagu helay nooc cusub oo Dabagaalle ah, siddeed nooc oo kalluun ah, saddex nooc oo laf dhabarlay ah iyo 10 nooc oo balanbaalis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here