Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Xarunta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwan-Gelinta Qaranka ee (NIIRA) Xarunteeda Magaalada Baydhabo.
Munaasabada xariga looga jaray xaruntaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweyne Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Agaasimaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diwaangelinta Qaranka ee ( NIIRA) , Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo martisharaf kale.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.