Baladweyne (Radio Beerlula)-Zinedine Zidane, oo muddo dheer lala xiriirinayay Manchester United, ayaa lagu soo waramayaa inuu kaliya xiiseynayo inuu tababare ka noqdo labo kooxood oo kaliya, taas oo dharbaaxo weyn ku ah rajadii kooxaha Premier League.
Tababaraha reer France, oo 52 jir ah, ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Real Madrid sanadkii 2021.Zidane wuxuu si weyn ugu guuleystay Real Madrid isagoo qaaday laba horyaalka La Liga ah iyo saddex Champions League oo isku xiga – guulo taariikhi ah oo sii xoojiyay magaciisa.
Inkasta oo uu helay dalabyo badan oo ka yimid kooxo waaweyn sida Manchester United, Bayern Munich, Juventus, iyo Paris Saint-Germain, iyo xitaa xulal qaran, Zidane wuu diiday dhammaan.
Sida laga soo xigtay wargeyska Marca, sababta ugu weyn ee uu u diiday dalabyadan waa jacaylka iyo daacadnimada uu u hayo Real Madrid iyo France. Zidane ma awoodo inuu naftiisa ku qanciyo inuu tababare u noqdo koox kale ama waddan kale marka laga reebo labadaas.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in Zidane uu u furfuran yahay mashruuc “gebi ahaanba cusub oo xiiso leh,” laakiin xilligan xaadirka ah waxaa “suurtagal ah” keliya inuu hoggaamiyo Real Madrid ama France sababtoo ah labada kooxoodba waa kuwo si adag loo maamulo.
Carlo Ancelotti ayaa hadda si guul leh u hogaaminaya Real Madrid, halka Didier Deschamps uu heshiis cusub la galay France ilaa Koobka Adduunka 2026.
Warar hore ayaa sidoo kale sheegay in Zidane uu doorbidayo inuu tababare ka noqdo waddan uu si fiican ugu hadlo luuqaddiisa, taas oo ka dhigaysa inuu ku koobnaado kaliya Spain iyo France.