Agaasimaha WHO oo ka badbaaday weerar israaiil ku qaaday Yemen.

0
50

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ku sugnaa Yemen intii duqeyntu duqeynta Israel Khamiistii ay socotay, ayaa sheegay inuu “bad-qabo”, laakiin wuxuu tilmaamay inuu burbur soo gaaray kaabayaasha.

“Mid ka mid ah shaqaalaheenna ayaa ku dhaawacmay, ugu yaraan laba qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen garoonka,” ayuu Tedros ku yiri qoraal uu soo dhigay X, isagoo intaas ku daray in shaqaalaha kale ee Qaramada Midoobay ay iyaguna bad qabaan, balse dib loo dhigay safarkooda.

“Taawarka laga hago diyaaradaha, hoolka laga baxo – oo mitir u jira meeshii aan joognay – iyo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa waxyeelo soo gaartay,” ayuu intaa raaciyay.

“Waa inaan sugnaa inta laga hagaajinayo burburka soo gaaray garoonka ka hor inta aanaan dhoofin,” ayuu yiri.

Tedros waxa uu ka mid ahaa wafdi u aaday Yemen sidii ay isugu dayeen in ay xuutiyiinta u sii daayaan 17 xubnood oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwaas oo qaarkood ay xirnaayeen tan iyo 2021-kii, qaarna ay xireen tan iyo bishii June.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here