Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ruben Amorim ayaa laga yaabaa in la ceyriyo bisha January ka dib seddex bilood oo kaliya oo uu ku sugnaa Manchester United hadii laga badiyo afarta kulan ee soo socota.
Tani waa Saadaasha xiddigii hore ee kooxda Man United Ben Foster kaas oo sheegay in ay Red Devils ku jirto xaalad adag.
Shaqo ka caydhintii Erik Ten Hag iyo shaqaalaysiintii Amorim ayaa la filayay in ay dhinaca kale u rogto xilli ciyaareedka Man United laakiin taasi ma dhicin.
Tababaraha reer Portugal ayaa laga badiyay 5 kulan 10-kii kulan ee ugu horeeyay ee uu hogaamiyay kooxda Man United
Natiijadaas ayaa keentay in ay Man United ku jirto kaalinta 14-aad, inkasta oo uu qirtay in Amorim aan lagu eedayn karin dhibaatada Man United ma ahan wax u fiican tababarihii hore ee Sporting Lisbon.
“Ma qiyaasi kartaa haddii Manchester United caydhiso tababare kale ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan”ayuu yidhi Goolhayihii hore ee Man United.
“Hadii aad eegto kulamada soo socda, Premier League waxa waxa ay la ciyaaraysaa Newcastle, Liverpool halka ay FA Cup la ciyaarayso Arsenal”.
“Waa laga badin karaa dhamaan 3-da kulan kadib waxa ay la ciyaaraysaa Southampton kulan adag”.
“Waxa aan saadaalinayaa in shaqada laga caydhiyo Amorim 16 bisha January”