Tababar ku saabsan xalinta khilaafaadka oo lagu qabtay Muqdisho

0
54

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay tababar ku saabsan xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta, kaasi oo ay ka qeyb galayaan guddiyada nabadgelyada degmooyinka, qaar kamid ah odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, haweenka iyo culumaa-udiinka.

Tababarkan ayaa lagu baran doonaa doorka ay bulshada rayidka ku leeyihiin xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta taasi oo qeyb ka ah qorshaha xasilinta iyo xoojinta nabadgelyada caasimadda si loogu diyaar garoowo qabsoomida doorasho qof iyo cod.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here