Dhaqaatiir iyo howlwadeeno caafimaad oo lagu xiray Gaza.

0
60

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ciidamada Isra’il ayaa la xaqiijiyay in ay xireen in ka badan 240 oo qof oo Falastiinyiin ah oo ay ku jiraan dhaqaatiirta, agaasimayaasha iyo howlwadeennada isbitaal ku yaalla waqooyiga Gaza, kaddib marki ay weerareen.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay badqabka Xusam Abu Safiya oo ah agaasimaha Isbitaalka Kamal Cudwan.

Qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaalka ay soo sii daayeen ciidamada Isra’il ayaa sheegay in ciidamada xiray agaasimaha Isbitaalka ay aad u garaaceen.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in isbitaalka ay Xamas u adeegsanayeen xarun ay ka duulaan.

Waxay kaloo sheegeen in qaar ka mid ah dadka ay xireen ay uga shakisanyihiin in ay ka tirsan yihiin Xamas.

Xamas ayaa eedahaasy iska fogeysay isla markaana sheegtay in isbitaalka uusan joogin qof iyaga ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here