Baledweyne ( Radio Beerlula )-Sarkiisha gobolka iyo kuwa Caafimaadka ee Isbitaallada ayaa sheegay in ugu yaraan 71 qof ay ku dhinteen Shilka ka dhacay degmada Bona oo ku taalla bariga Sidama. Sidama ayaa dhanka koofureed uga beegan magaalada Addis Adaba.
Mate Mengesha, oo ka mid ah madaxda dowladaha hoose ee deegaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa sheegay, in shilku ka dhacay wabiga Galana oo 125 u jira magaalada Hawassa ee caasimadda Ismaamulka Sidama.
Wuxuu sheegay in baabuur kuwa xamuulka ah oo waday rakaab fara badan uu ka baxay buundo ama bariij uu marayay kaddibna ku dhacay webiga.
Dadka dhintay ayaa isugu jiray 68 rag ah iyo saddex dumar ah. Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay kasoo laabanayeen xaflad aroos, kuna sii jeedeen guryahooda.