Baladweyne (Radio Beerlula)- Dowladdda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay beegsanayaan magafayaasha dadka kasoo tahriibiya biyo mareenka u dhaxeeya Faransiiska iyo Britain.
Arrintan ayaa imineysa kaddib markii afar maalmood gudahood ay 1,500 oo qof soo gudbeen marin biyoodka u dhexeya UK iyo Faransiiska.
Doon ay saarnayeen in ka badan 50 qof ayaa dhawaan ku degtay bada u dhaxeysa Faransiiska iyo Britain iyadoona ay ku dhinteen saddex qof.
Dowladaha UK iyo Faransiiska ayaa dhowr jeer isku dayay inay xakameeya soo galootiga basle ilaa hadda ma suurta galin in la joojiyo qulqulka dadka taga UK ee ka imaanaya Faransiiska.